soomaali
Sorah An-Naml (The Ants )
Verses Number 93
(Xarafka hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad.
Waana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta.
Ee ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin.
Kuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u Qurxinay Camalkooda waana ku Indho la'Yihiin (Wareersanyihiin).
Kuwaasi waa Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray.
Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi Quraanka Falka San ee Og Agtiisa.
إِذْ قَالَ مُوسَى لِأَهْلِهِ إِنِّي آنَسْتُ نَارًا سَآتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ آتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
↓

Xusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
فَلَمَّا جَاءَهَا نُودِيَ أَن بُورِكَ مَن فِي النَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
↓

Markuu Yimid waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeevev Cidda Dabka la Joogta iyo kuwa Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka.
Muusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San.
وَأَلْقِ عَصَاكَ فَلَمَّا رَآهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَانٌّ وَلَّى مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ يَا مُوسَى لا تَخَفْ إِنِّي لا يَخَافُ لَدَيَّ الْمُرْسَلُونَ
↓

Ee Tuur Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo Carari, Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda Rasuulladuye.
Ciddiise Dulmi Fasha markaas Wanaag ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay Dambi Dhaafe Naxariista.
وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِي جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاء مِنْ غَيْرِ سُوءٍ فِي تِسْعِ آيَاتٍ إِلَى فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
↓

Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna ka mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiina.
Markay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad.
وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
↓

Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha).
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ عِلْمًا وَقَالا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي فَضَّلَنَا عَلَى كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ الْمُؤْمِنِينَ
↓

Waxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah.
وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ
↓

Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad.
Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh, iyagoo iseeleelin.
حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِي النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لا يَشْعُرُونَ
↓

Markay Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn.
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَى وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَدْخِلْنِي بِرَحْمَتِكَ فِي عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ
↓

Markaasuu Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji inaan ku Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag Aad ka Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda.
Wuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay Hud-Hudkii Mise kuwa Maqan buu ka Midyahay.
Waxaan Cadaabi Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad.
فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍ بِنَبَإٍ يَقِينٍ
↓

Markaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan Ogaanin, waxaana kaaga keenay ReeSaba War Yaqiina.
Waxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn.
وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ اللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لا يَهْتَدُونَ
↓

Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.
أَلاَّ يَسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي يُخْرِجُ الْخَبْءَ فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ
↓

May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.
Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha Carshiga Wayn.
Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha.
La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri waxay soo Celiyaan.
Waxayna Tidhi Maxaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh.
(Kuna Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista.
Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.
قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي أَمْرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّى تَشْهَدُونِ
↓

Waxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan.
قَالُوا نَحْنُ أُوْلُوا قُوَّةٍ وَأُوْلُوا بَأْسٍ شَدِيدٍ وَالأَمْرُ إِلَيْكِ فَانظُرِي مَاذَا تَأْمُرِينَ
↓

Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan, amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari.
قَالَتْ إِنَّ الْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوا أَعِزَّةَ أَهْلِهَا أَذِلَّةً وَكَذَلِكَ يَفْعَلُونَ
↓

Waxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwo Dullaysan Saasayna Falaan.
Waxaanse u Diri Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray.
فَلَمَّا جَاءَ سُلَيْمَانَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَا آتَانِيَ اللَّهُ خَيْرٌ مِّمَّا آتَاكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ
↓

Markay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey, Idinkaase ku Farxi Hadyadiina.
ارْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُمْ بِجُنُودٍ لّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَا أَذِلَّةً وَهُمْ صَاغِرُونَ
↓

Ee U celi Waxaana ula Imaanaynaa Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka Bixinaynaa Magaalada Iyagoo Dullaysan oo Ihaanaysan.
Wuxuuna Yidhi Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda Iyagoo Muslim ah.
قَالَ عِفْريتٌ مِّنَ الْجِنِّ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ وَإِنِّي عَلَيْهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ
↓

Wuxuuna yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin Fadhigaada, waxaana ahay Xoog badane Aamina.
قَالَ الَّذِي عِندَهُ عِلْمٌ مِّنَ الْكِتَابِ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ فَلَمَّا رَآهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُ قَالَ هَذَا مِن فَضْلِ رَبِّي لِيَبْلُوَنِي أَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيٌّ كَرِيمٌ
↓

Wuxuuse yidhi kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada Laabideeda horteed (Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu Yidhi Kani waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka Gaaloobo, Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey Naftiisa Ciddii Gaalowdana Eebahay waa ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay.
Wuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn.
فَلَمَّا جَاءَتْ قِيلَ أَهَكَذَا عَرْشُكِ قَالَتْ كَأَنَّهُ هُوَ وَأُوتِينَا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ
↓

Markay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin.
Waxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay Caabudaysay oo Eebe ka soo Haddhay, waxayna ka mid ahayd Qoom Gaala ah.
قِيلَ لَهَا ادْخُلِي الصَّرْحَ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا قَالَ إِنَّهُ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ قَالَتْ رَبِّ إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَانَ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
↓

Waxaa lagu Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U Malaysay Mawjad (Biya ah) waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa Daar Salaax Sugan oo Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey Naftayda, waxaana u Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha Caalamka ah.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَى ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ فَإِذَا هُمْ فَرِيقَانِ يَخْتَصِمُونَ
↓

Waxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi.
قَالَ يَا قَوْمِ لِمَ تَسْتَعْجِلُونَ بِالسَّيِّئَةِ قَبْلَ الْحَسَنَةِ لَوْلا تَسْتَغْفِرُونَ اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
↓

Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto.
قَالُوا اطَّيَّرْنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَ قَالَ طَائِرُكُمْ عِندَ اللَّهِ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تُفْتَنُونَ
↓

Waxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey.
Waxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna.
قَالُوا تَقَاسَمُوا بِاللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُ وَأَهْلَهُ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِ مَا شَهِدْنَا مَهْلِكَ أَهْلِهِ وَإِنَّا لَصَادِقُونَ
↓

Waxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan ky Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa Run.
Way Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn.
ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba Dhammaan.
Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan.
Waxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey.
(Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko.
Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina.
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلاَّ أَن قَالُوا أَخْرِجُوا آلَ لُوطٍ مِّن قَرْيَتِكُمْ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
↓

Mana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad Isdaahirine.
Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami.
Waxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka kuwa Loo Digay.
قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلامٌ عَلَى عِبَادِهِ الَّذِينَ اصْطَفَى آللَّهُ خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ
↓

Waxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
أَمَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ السَّمَاء مَاء فَأَنبَتْنَا بِهِ حَدَائِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنبِتُوا شَجَرَهَا أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ
↓

Ma Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan.
أَمَّن جَعَلَ الأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلالَهَا أَنْهَارًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَاسِيَ وَجَعَلَ بَيْنَ الْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لا يَعْلَمُونَ
↓

Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Badankooduse wax ma Oga.
أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَاء الأَرْضِ أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ قَلِيلا مَّا تَذَكَّرُونَ
↓

Mise Eebaha Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.
أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ تَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
↓

Mise Eebaha idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista Eebe (Roobka) hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
أَمَّن يَبْدَأُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاء وَالأَرْضِ أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
↓

Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan.
قُل لّا يَعْلَمُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ الْغَيْبَ إِلاَّ اللَّهُ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ
↓

Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin.
Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda.
Waxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo Bixin.
Waa Naloo Yaboohay Kan (soo Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn.
Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
Hana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri.
Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan.
Waxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed.
Eebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan.
Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muuiin.
Waxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku Khilaafeen.
Quraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta.
Eebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og.
ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade.
Adugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay Jeedsadaan iyagoo sii Socda.
وَمَا أَنتَ بِهَادِي الْعُمْيِ عَن ضَلالَتِهِمْ إِن تُسْمِعُ إِلاَّ مَن يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ
↓

Mana Tihid mid ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey Aayaadkanaga oo Muslima mooyee.
وَإِذَا وَقَعَ الْقَوْلُ عَلَيْهِمْ أَخْرَجْنَا لَهُمْ دَابَّةً مِّنَ الأَرْضِ تُكَلِّمُهُمْ أَنَّ النَّاسَ كَانُوا بِآيَاتِنَا لا يُوقِنُونَ
↓

Markuu ku Dhaco Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii) waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga.
Xusuuso Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi.
حَتَّى إِذَا جَاؤُوا قَالَ أَكَذَّبْتُم بِآيَاتِي وَلَمْ تُحِيطُوا بِهَا عِلْمًا أَمَّاذَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
↓

Markay Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen.
Waxaa ku Dhacey Qawlkii (Ciqaabtii) Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan.
أَلَمْ يَرَوْا أَنَّا جَعَلْنَا اللَّيْلَ لِيَسْكُنُوا فِيهِ وَالنَّهَارَ مُبْصِرًا إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
↓

Miyeyna Arkayn inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa).
وَيَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الأَرْضِ إِلاَّ مَن شَاء اللَّهُ وَكُلٌّ أَتَوْهُ دَاخِرِينَ
↓

Xusuuso Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan.
وَتَرَى الْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ السَّحَابِ صُنْعَ اللَّهِ الَّذِي أَتْقَنَ كُلَّ شَيْءٍ إِنَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَفْعَلُونَ
↓

Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha waxaad Falayasaaan.
Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna Iyagu way Aamin Noqon.
وَمَن جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِي النَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلاَّ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
↓

Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
إِنَّمَا أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَذِهِ الْبَلْدَةِ الَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُ كُلُّ شَيْءٍ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُسْلِمِينَ
↓

Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta.
وَأَنْ أَتْلُوَ الْقُرْآنَ فَمَنِ اهْتَدَى فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَا أَنَا مِنَ الْمُنذِرِينَ
↓

iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa Diga.
وَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ فَتَعْرِفُونَهَا وَمَا رَبُّكَ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
↑

Waxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid Halmaansan waxaad Falaysaan.